HomeCiyaarahaCiyaartooyda Real Madrid oo arrin halis ah ku heshiiyay ka hor kulanka...

Ciyaartooyda Real Madrid oo arrin halis ah ku heshiiyay ka hor kulanka lugta labaad

XIGASHO LAACIB.NET

Ciyaartoyda Real Madrid ayaa yeeshay kulan degdeg ah oo wadatashi ah kadib guuldarro 3-0 ah oo ka soo gaartay Arsenal lugta hore ee wareega 8da Champions League oo dhacay Talaadadii.

Los Blancos ayaa si buuxda loogu awood sheegtay garoonka Emirates, taasoo ahayd guuldarradoodii saddexaad oo xiriir ah.

Declan Rice ayaa dhaliyay laba laad xor ah oo qurux badan, ka hor inta uusan Mikel Merino kubad kale si fudud u dhammeystirin si uu Arsenal ugu hoggaamiyo natiijo weyn oo ay ku aadaan lugta labaad.

Barnaamijka Telefeshinka Spain ee El Chiringuito ayaa hadda daaha ka qaaday in dood adag iyo falanqayn toos ah ay ka dhacday qolka labiska ee Real Madrid kulanka kadib.

Laacibka khadka dhexe ee Federico Valverde ayaa hoggaaminayay wadahadalka, isagoo diiradda saaray sidii ay uga soo kaban lahaayeen guuldarradan marka ay Arsenal ku martigeliyaan Santiago Bernabeu.

Valverde ayaa eedeeyay saaxiibadiisa, isagoo sheegay inay si liidata uga falceliyeen labadii laad ee xorta ahas ee Rice dhaliyay, wuxuuna yiri:

“Laba laad xor ah, annaguna kama falcelin.”

Hadalkaas ayaa sababay in ciyaartoyda ay ka mid yihiin Vinicius Junior, Jude Bellingham, iyo Kylian Mbappe hadlaan.

Mid ka mid ah afartooda ayaa la sheegay inuu yiri:

“Waa inaan caddeynaa inaan nahay Real Madrid, waxaan heysanaa 15 horyaal (Champions League).”

Markaas kadib ayuu qolka labiska aamusay, iyadoo qof kale uu raaciyay:

“Waa inaan gool dhallinaa 15 daqiiqo ee ugu horreysa. Haddii aan taas sameyno, waan soo laabaneynaa.”

Ciyaartooyda Real Madrid Oo Arrin Halis Ah Ku Heshiiyay Ka Hor Kulanka Lugta Labaad

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -