MOMBASA (DAYNIILE.COM-Warar caawa waqti danbe soo baxay ayaa sheegaya tahriibayaal Soomaaliyeed oo Dooni ka raacay xeebta Magaalada Mombasa ee Dalka Kenya ay ciladi ku timid matoorada doonta ay raaceen taasoo sababtay khasare nafeed.
Tahriibayaasha ayaa u socday halka lagu magacaano Mayota oo ah Jaziirad Faransiisku maamulo si ay yurub uga sii gudbaan.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya laakiin wararka ugu macquulsan ayaa sheegaya in dadka inta badan la bad-baadiyay balse ay jiraan dhowr iyo toban la sheegay inay dhinteen inkastoo wali la soo bandhigin cadeymaha.
Tahriibayaasha ayaa la sheegay inay laba doon kala raaceen isla markaana mid la waayay midna ay bad-baafiyeen ciidamo ilaalo ka ah xeebaha jaziirada Madagaskar halka tan kale oo la weysnaa la helay islamarkaana dadka inta ugu badan bad baadeen.
Wixii warar ku soo kordha wararkeena danbe ayaad kala socon doontaan insha Allaah.
XAFIISKA WARARKAÂ
DAYNIILE.COM