CADDALLE (DAYNIILE.COM)-Ciidamadii ugu dambeeyay Mudooyinkaan danbe oo saaka ka baxay Muqdisho ayaa Caawa la soo sheegay inay ka sii gud-been demo xeebeedka Caddalle ee Gobolka Sh.dhexe.

Ciidamadaan oo iskugu jiro kuwa u abaabulan macawisleyda degaanada shabeelaha dhexe iyo maleteriga Soomaaliya ayaa qalabkooda loo dhameystiray sida rasaasta iyo agabka kale.

Advertisement

Wararka ayaa intaa ku deraya in gawaarida gashaaman ee tiknikada loo yaqaan ay  oo 20 kor u dhafaayo ay degmada cadale ka gudbeen, inkastoo la ogeyn aaga ay sida rasmiga ah ugu socdaan wariye ka tirsan warbaahinta cidamada Dowlada ayaa xusay inay ilaa  Galgaduud uga sii gudbi doonaan Shabeelaha dhexe sida Ceeldheere ,Galacad iyo Masagawaay.

Saraakiisha Ciidamada ayaa lagu wadaa inay faahfaahin ka bixiyaan socdaalka ciidamadaasi marka ay sal dhigtay walow la ogyahay inay dhawaan wajiga labaad galayaan dagaalka Dowladu alshabaab kula jirto.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here