Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gorgor, kuwa Daraawiishta Galmudug, iyo ciidamada deegaanka ee Gargaar ayaa saaka howlgal qorsheysan ka fuliyey gudaha Bacadwayne ee koofurta gobolka Mudug.

Howlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada ee ka howlgala deegaannadaas.

Advertisement

Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidanka xoogga dalka, howlgalka ayaa lagu beegsaday kooxo ka tirsan Al-Shabaab oo is aruursanayay, waxaana lagu dilay xubno badan oo ka tirsan kooxdaas.

Howlgallada noocan oo kale ah ayaa horey uga dhacay deegaanno kale oo ka tirsan Galmudug.

ciidanka Daraawiishta Galmudug ayaa horay howlgallo uga sameeyay degmada Bacaadweyne, halkaas oo ay ku baacsadeen Al-Shabaab.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here