Ciidanka nabad ilaaliyayaasha Nigeria ee ka tirsan #ATMIS ayaa u dabbaaldagay 64-guurada xorriyadda dalkooda, Munaasabadda dabbaaldegga ayaa lagu qabtay Xarunta Dhexe ee #ATMISForce ee Muqdisho.
Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan ATMIS & @UN, oo ay ka mid ahaayeen Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa ATMIS, Danjire @souefmo_elamine, Ku Xigeenkiisa, Sivuyile Thandikhaya Bam, Taliyaha Ciidanka ATMIS, Sarreeye Guud Sam Kavuma, Taliyaha Booliska Hillary Sao Kanu iyo Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee @UN, Raisedon Zenenga ayaa ka qeybgalay munaasabadda.
Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ayaa ku ammaanay nabad ilaaliyayaasha Nigeria doorka ay ka ciyaaraan Waajibaadka Hawlgalka Midowga Afrika. #Nigeria ayaa madaxbannaanida ka qaadatay xukunkii gumeystihii Ingiriisiga 1-dii Oktoobar 1960.
Advertisement