Howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee AUSSOM oo laga bilaabayo Soomaaliya 1-da Jannaayo 2025, ayaa noqday mid ay ku tartamayaan dalal kala duwan oo gobolka ah. Masar ayaa qorsheynaysa inay ciidamo u soo dirto Soomaaliya si ay uga qeyb noqoto howlgalka, una xoojiso joogitaankeeda badda Cas iyo saameynteeda gobolka.

Ciidanka Masar ayaa la filayaa inay ilaaliyaan madaxda sare ee dowladda Soomaaliya iyo xarumaha muhiimka ah, iyadoo sidoo kale la-taliyayaal militari usoo direysa si ay tababar U siiyaan ciidanka Soomaaliya.

Advertisement

Saraakiil Sar sare ka tirsan Milatariga Masar ayaa xaqiijiyay in labada Todobaad ee socda ay dalka kusoo wajahan yihiin Ciidanka Masar.

Ciidankan ayaa la filaya Sidoo kale lagu soo daro kuwa ka baxsan howlgalka kuwaasoo dowladda Soomaaliya ka taageeri doono dhinacyo kala duwan.

Dhanka kale, Itoobiya oo hore ugu tiirsaneyd howlgalka Midowga Afrika ayaa ka walaacsan joogitaanka Masar ee Soomaaliya, taas oo sare u qaaday xiisadda taariikhiga ah ee labada dal. Soomaaliya ayaa wajahaysa cadaadis xooggan oo dhinacyo badan ah, maadaama aysan jirin xal fudud oo lagu dheelitiri karo xiriirka labada dhinac.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here