Ciidanka Macawisleyda degmada Ceelbaraf oo garab ka helaya Ciidanka Xoogga dalka ayaa si buuxda ula wareegay Ceel-Baraf oo maalmihii ugu dambeeyay uu ka socday dagaallo sababay khasaaro kala duwan.

Advertisement

Ciidanka galay Ceel-Baraf ayaa waxaa hogaaminaya Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga dalka Janaraal Khaalid Cabdullaahi Cumar iyo Saraakiil kale oo kasoo jeeda degmadaas, waxaana maalmihii ugu dambeeyay lagu abaabulayay degaan u dhaxeeyo Jalalaqsi iyo Ceel-Baraf, halkaas oo ay dageen markii ay gacantooda ka baxday CeelBaraf.

Guul weyn ayey u tahay Xoogga dalka iyo dadka degaanka qabsashada magaaladaas, taasoo sahli karta in kooxda laga saaro goobaha kale oo ay maalmahaan cabsi gelin kawadeen.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here