Ciidanka ammaanka dowlad goboleedka Jubbaland, gaar ahaan kuwo la dagaalanka argagixisada ayaa howlgal ay ka fuliyeen magaalada Kismaayo ku diley xubno ka tirsanaa kooxda Al-shabaab, kuwaas oo u qaabilsanaa toogashada ama madax jabiska.

Howlgalkan oo ay ciidamadu ka fuliyeen xaafadda New Kismaayo ayaa lagu diley laba xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab, halka mid kalena gacanta lagu dhigey sida ay sheegtay warbaahinta maamulka Jubbaland.

Advertisement

Saraakiisha howlgalka hoggaaminaysay ayaa laga soo xigtay inay ka war heleen in xubnahani ay qorshaynayeen in ay dilal qorshaysan ka fuliyaan gudaha magaalada Kismaayo, balse laga hortagey , ka dib markii weerar kadis ah lagu qaaday.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here