Ciidanka Jamhuuriyadda Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka AUSSOM ayaa maanta ku biiray howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Gobolka Hiiraan gaar ahaan deegaannada hoostaga Magaalada Buulo burte Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle.

Saraakiisha ciidanka Jabuuti ee howlgalka ku biiray ayaa sheegay in Askartooda lugta, Gaadiidkooda dagaalka iyo hubka culus ee PM-ka ee duqeymaha loo adeegsado ay ku biireen howlgalkaan sida ay hadalka u dhigeen.

Advertisement

Ujeedka howlgalkaan ugu biireen ciidamada Jabuuti ayaa ah kaddib markii kulamo wadajir ah ay qaateen saraakiisha Ciidanka Federaalka iyo kuwa AUSSOM ay isla dejiyeen qorshaha dagaalka si la isugu furo waddooyinka muhiimka ah.

Ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda ayaa howlgalka kaalin weyn ku leh iyaga oo deegaannada qaar sii gaaray kaddib markii la sheegay in ay isaga baxeen ‘AS’ maadaama duqeynta qoryaha culus halkaas lagu beegsaday.

Sarkaal katirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ka badan 24 saac oo saacadaha qaar xiriir ah in uu socdo dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ ee Gobolka Hiiraan Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle isla markaana guullo muhiim ah ka gaareen.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here