Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka ee Macawisleyda ayaa howlgallo ballaaran ka fuliyay deegaanno ku teedsan jiinka wabiga Shabeelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalladan ayaa lagu bartilmaameedsaday Al-Shabaab, waxaana ciidamada ay la wareegeen deegaannada Kiliga Maxamed Diirshe, Raas Qaboobe, Jameeco, Shanloow, Dhagaxoow, Yaaqle, Farbarako, Damileey iyo deegaanno kale oo ku yaalla jiinka wabiga Shabeelle.
Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalladan ayaa sheegay in dagaallada lagu gaarsiiyay Al-Shabaab khasaare culus, laguna dilay xubno badan iyo horjoogayaal. Sidoo kale, waxaa gacanta lagu dhigay xubno kale oo maxaabiis ahaan loo qabtay.
Ciidamada ayaa weli ku howlan baacsiga firxadka Al-Shabaab, iyaga oo ku raad jooga goobihii ay gabaadka ka dhiganayeen.
Howlgalladan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda iyo dadka deegaanka ay ku xoreynayaan deegaannada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.