Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal deegaan hoos yimaada magaalada Ceelbuur ku dhexmaray ciidanka deegaanka iyo xubno ka tirsan AS.
Dagaalka ayaa yimid ka dib markii ciidanka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ay weerar ku qaadeen Saldhig ay AS ku laheyd deeganka Biya-cadle ee hoostaga deegnka Ceel-lahelay eec Degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud
Saraakiisha Ciidanka weerarka qaaday ayaa sheegay in AS ay halkaasi ka wadeen dhaqdhaaqyo, balse ay ka hortageen.
Ma jiro warar madax bannaan oo laga helayo dagaalka iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.
Maalmihii la soo dhaafay Ciidanka dowladda iyo dadka deegaanka ayaa howlgallo ka waday deegaanno ka tirsan Dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle.