MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Diyaarado Milateri oo siday ciidamo u dhashay dalka Turkey ayaa la sheegay inay soo gaareen Magaalada Muqdisho kuwaasoo qorshuhu yahay inay ka qeyb-qataan dagaalada ka dhanka ah Alshabab,waxaana tiradooda lagu sheegay 500 walow qeybo kale ay iman doonaan.
Diyaaradahaan oo laba ahaa sida la sheegay 2 maalin ka hor sioo gaaray Magaalada Muqdisho waxaana la xaqiijiyay in halkey dagayaan ,siday u howlgalayaan,caafimaadkoda iyo dhamaan tasiilaadkooda ay iyaga wataan.
Dowlada Somalia waxay uga baahan yihiin kaliya dad la shaqeeya oo kala tusa degaanada Soomaalida iyo meelaha alshabaab ku xoogan yihiin balse waxaa la sheegay in taliskooda uu gaar u noqon doono,waxayna wataan diyaarado casri ah oo kuwa dagaalka.
Imaanshaha Ciidamadaan waxaa dalbaday Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh si uu degdeg uga adkaado alshabaab,sidoo kale Baarlamaanka dalka Turkey ayaa dhawaan ansixiyay qorshaha ciidamada turkida loogu dirayo Somalia kadib mooshin kaga yimid Madaxweynaha dalkaasi.
Qandaraaska Ciidamadaani ay ku howlgeli doonaan ayaa mudo 2 sano ah inay dhulka iyo cirkaba kala dagaalamaan kooxda Alshabaab oo maalmihii ugu dambeeyay dhul cusub ka qabsaday gobolka Shabeelaha hoose waliw Milateriga Somalia dadaal badan muujiyeen islamarkaana dhul balaaran ka saareen Alshabaab.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM