MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ciidamo ka tirsan Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Somalia ayaa la soo sheegayaan inay caawa xoog ku galeen guriga Wabar Socdaal oo ka mida dhaqanka Muddulood.

Wabar Socdaal laftigiisa ayaa saxaafada uga warbixiyay sida gurigiisa lagu soo galay wuxuna sheegay salaadii maqribkii isagoo isku diyaarinaya in xoog lagu soo garaacay gurigiisa kadibna xog ay ku soo galeen.

Advertisement

“aniga kor baan saarnaa albaabkaa xoog loo soo garaacay, caruurta mid ka mida wuxuu ii sheegay in ciidamo xoog ku soo galeen markii aan fiirshay waxaan arkay inay ahaayeen ciimada nabad sugida iyo sirdoonka oo isugu jirey kuwa dharka cad iyo kuwa tuutaha xiran”ayuu yiri wabar Socdaal

Wabarka mar uu ka hadlaayay hadii wax dhibaato ah ay meesha ka dhacday ayuu sheegay in mid ka mid ah ilaaladiisa lala dhacay qoriga baadkiisa sidoo kalana laga qaatay bistoolad.

Wabarka waxaa kale uu sheegay in Dowlada looga baahnaa inay warqad maxkamadeed ii keenaan halkii ay sharci daro gurigeyga ku soo geli lahaayeen,

“habka ciidamadaani nagu soo galeen waa qaabkii ay ku dhaqmi jirtay dowladii Farmaajo ugu danbeyna sidaas ay ku fashilanta”ayuu yiri Wabar socdal

Dhanka kale isagoo ka yara careysan dhibaatada ciidamada NISA ka gaysteen gurigiisa ayuu carabka ku adkeeyay in talaabada nuucaani ay keeni karto in hub la adeegsado oo la is difaaco.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here