BADHAADHE (DAYNIILE.COM)-Ciidamo ka tirsan Kumaandooska Gor-Gor ee xoogga Dalka Somalia ayaa saacadihii ugu dambeeyay gaaray degaanka Raas-kambooni ee Gobolka Jubada hoose ee Maamulka Jubaland kadib markii ay ka degeen garoon diyaaradeedka halkaasi ku yaal.
Ciidamadaan waxaa hogaaminaya Taliyaha Guutada 18aad ee Ciidanka GorGor G/dhexe Xasan Aadan Maxamed (Xasan Ciraaqi) kaasoo sharaxaadna a bixiyay qorshahooda.

Iyadoo si habsami leh ay dalka uga socoto la wareegista goobaha ay baneynayaan Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, ayaa waxaa maanta degaanka Raas-kambooni ee Gobolka Jubbada Hoose gaarey Ciidanka Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha G/dhexe Xasan Aadan Maxamed (Xasan Ciraaqi) wuxuu saxaafada u sheegay inay halkaasi ka sii wadi doonaan dagaalka dalka looga xoreynayo kooxda Alshabaab.
Sidoo kale wuxuu sheegay inay ku duuli doonaan guud ahaan meelaha Alshabaabku gacanta ku hayaam sida Degmada Badhaadhe islamarkaana ay ka saari doonaan.
“waxaan sidoo kale u imaanay inaan guud ahaan saldhigyada kala wareegno ciidamada ATMIS sida heshiisku yahay dalka faaruji doona bisha soo socota ee December”ayuu yiri Taliyaha.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMNo description available.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here