Sida aan ku helayno warar sugan ayaa sheegaya in maalmihii lasoo dhaafay afduub iyo khafaalasho laga bilaabay deeganada galgaduud, waxaan falkaas ku kacaayo ciidamo qaab qabiil u abaabulan oo ku hayb ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheekh maxamuud.
sida la sheegay waxaa afduub loo haystaa in kabadan 23 ruux iyo gaadiidka ay saarnaayen oo gaaraya ilaa 3 gaari oo rakaab ah inkastoo ciidamada jufo ahaan ay yihiin beesha cali gaaf oo ah jufada Madaxweyne xasan sheekh, sida la sheegaayo Ciidamada wax sameenaayo afduubka ayaa ku an-doconaayo in ururka Al-Shabaab afduub uga haystaan qaar ka tirsan eheladooda, hase ahaate waxaa la yaab in ay iska afduubanayaan beel ka tirsan galgaduud taas ah beesha Murusade oo la ah daris laftta waceysle abagaal.
Sida aan oganahay nabadoonada laba dhinac ayaa maalamahaan waday shirar u dhaxeeyey beesha Murusade iyo Lafta wacaysle abgaal oo looga arinsanaaye sidi lagu soo dayn lahaa ragga u xirn ciidamda macaawisleyda ee uu hubeeye xasan sheekh, inkastoo wali xal rasmi ah laga gaarin hadane waxaa soo ifbaxday isla gaari kale iyo rakaabki saarnaa in lagu afduubtay dhulka ay dagaan beesha madaxweynaha maadama safaradeyda ay marin u tahay jidka isku xira xamar iyo galagaduud.
Waxaa hada halis ku jira in dagaal sukeeya dhax mara Beesha Murusade iyo lafta wacaysle oo muddo 28 ka hor ugu danabeesay in ay dagaalamaan waxaa sababtaas lahaan doona Madaxweyne xasan sheekh oo dad shacab ah u dhiibay hub aan sharciyeesneyn waa laga wada dharagsan yahay in maanta dalka meel waliba dagaal ka aloolsanyahay waxaa lagu tilmaami karaa fashil dowladdnimo maadama ay xakameeyn waayeen dagaaladan dalka guud ahaan ka qarxay.
Sikastaba ha ahaate waxaa socda hadda dadaalo loogu tagaayo Madaxweyne xasan sheekh oo ay beesha Murusade xildhibaanadooda iyo wax garadkooda oo ay abaabulaayan in uu Madaxweynaha ka jawaabo tacaddiga iyo afduubashada lagu haayo dadka safareyda ah ee ka socda deegaanada ceelbuur, galhareere, diri iyo jacar, bargaan, in si degdeg ah lagu soo daayo islamarkaasne sharciga la horkeeno kuwa abuurayo dagaalka sukeeye ee Madaxweyne ku haybta ah.