CEEL-WAAQ (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Ceel-waq ee Gobolka Geddo ayaa sheegaya in halkaasi ay maanta gaareen ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya kuwaasoo badeli doona ciidamada ATMIS.

laba diyaarad oo wada ciidamada Dowlada ayaa ka degay Magaalada Ceel-waaq kuwaasoo lagu wado inay badalaan ciidamada ATMIS oo halkaasi ka baxaya dhawaan.

Advertisement

Sidoo kale waxaa lagu wadaa inay Ceel-waaq ka dhacdo xaflad ay ku kala wareegayaan labada dhinac dhanka amniga iyo xerada ciidamada.

Bisha Decebme ee sanadkaani dhamaadkiisa ayaa lagu wadaa inay dalka ka baxaan ciidamada ATMIS inkastoo ay jiraan qorshayaal kale oo la doonayo in ciidamadaasi lagu badalo kuwo kale.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here