XARAR-DHEERE(DAYNIILE.COM)-Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Dowlada Somalia  qeybteeda 21-aad ee Gobolka Mudug ayaa u fadhiisatay gal-dacwadeed loo heysto 21 ka tirsan ciidamada Milatariga Somalia kuwaasoo dhawaan dil iyo dhac ka gaystay Magaalada Xarar-dheere ee Maamulka Galmudug.

Ciidanadaan ayaa maalmo ka hor waxay gudaha Magaalada Xarar-dheere isku rasaaseeyeen koox ka tirsan Ciidamada Deegaanka ee loo yaqaan macawisleyda,sidoo kale milatariga ayaa dhaceen Tukaan islamarkaana dileen ninkii lahaa .

Advertisement

Xeer ilaaliyaha ayaa soo bandhigay eedeymaha dilka iyo dhaca ku saabsan xili maxkamada la hor keenay askarta eedeysanayaasha ah kuwaasoo mid kasta iska diiday inuu dilka isaga ka dambeeyay.

Mid ka mida ayaa qirtay dhaca tukaan gara ahaan baakado sigaara balse wuxuu meesha ka saaray inuu dil geystay??sidoo kale mid eedeysanayaasha ka mida ayaa gabi ahaanba diiday inuu dhac iyo dil midna geysan.

Xeer ilaaliyaha ayaa Gudoomiyaha maxkamada ka codsaday in la wada toogto askarta madaama ay falka dilka iyo dhacaba ay isla wada qorsheeyeen islamarkaana aysan cadeyn kan sida gaarka ah u dilay Tukaanlaha.

Garsooraha wuxuu sidoo kale maxkamada ka codsaday in gani ahaantooda ciidamada laga saaro sida uu qabo xeerka ciqaabta Ciidamada.

Ugu dambeyn  Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada qeybta 21-aad Gaashanle dhexe C/llaahi Abukar Xasan ayaa  maxkanada soo xirey isagoona sheegay inay dib go’aan ka gaari doonaan.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here