119 ka tirsan ciidanka ATMIS ayaa Sabtidii #Muqdisho lagu guddoonsiiyay billado uu bixiyay Midowga Afrika iyo shahaadooyin lagu aqoonsanayay doorkii muhiimka ahaa ee ay ka ciyaareen nabad-dhiska Soomaaliya.
Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa #ATMIS, Danjire Souef Mohamed El-Amine ayaa ku ammaanay saraakiisha dhiirrannaantooda, iyo sida ay uga go’nayd in la gaaro ahdaafta hawlgalka.
“Waqtigii aad joogteen Soomaaliya waa mid ku suntan adkaysi, dhiirranaan iyo ka go’aansho ku aaddan waajibaadka hawlgalka. Waxaad ka tagaysaan dhaxal adeeg iyo nafhurnimo kaas oo dhiirrigelin doono kuwo sii wado safarkaan,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika.
Taliye Ku Xigeenka Ciidanka ATMIS ee qaabbilsan Hawlgallada iyo Qorshayaasha, S/Gaas Marius Ngendabanka ayaa ciidanka ku ammaanay xirfaddooda iyo sida ay uga go’nayd xoojinta dadaallada #nabadda ee #Soomaaliya.
Waxaa xafladda ka qeybgalay Taliye Ku Xigeenka Ciidanka ee Taageerada iyo Saadka, S/Gaas Peter Muteti, Madaxa Hawlwadeennada Milatariga S/Guuto Kindu Gezu Tegegn, Taliyaha Booliska AIGP Hillary Sao Kanu, Taliyayaasha Qaybta, wakiillo ka socday UNMAS iyo safiirro fadhiggoodu yahay Soomaaliya.