KISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Waxaa Saaka garoonka diyaaradaha Kismaayo laga soo sagootiyay ciidamo yar oo ka haray kuwii dhawaan lagu qabtay Dagaalkii Raaskanbooni.
Ciidamadaan oo noqonaya kuwii ugu dambeeyay Kismaayo laga soo diro ayaa Muqdisho ku soo wajan halkaasoo ay markii horaba ka baxeen.
Advertisement
Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubaland ayaa soo sagootiyay kuwaasoo saxaafadana u sheegay in qeybtii u dambeysay ciidamada Dowlada ay si nabad ah ugu direen Muqdisho.
Qaar ka mida ciidamada Dowlada ee iyaguna garoonka Kismaayo kula hadkay warbaahinta ayaa sheegay in si fiican loola dhaqmay mudadii ay ku sugnaayeen Kismaayo.
XAFIISKA WARARKAÂ
DAYNIILE.COM
Advertisement