Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho waxay ka wadaan howlgalo ka dhan ah qaar ka mida ciidamada Dowlada oo awooda askarinimo dhac iyo dilba ku geysta,waxaana lagu soo qabtay 4 askari oo dhamaandood geystay dhac dadweyne.
Ciidamada Booliiska  gaar ahaan kuwa Saldhigga Degmada  Dharkenleey ayaa maanta soo xirey  Faysal Ibraahim Samow oo ku eedaysan inuu isbaaro u dhigtay muwaadiin Soomaliyeed deegaanka weeydow.
Sidoo kale waxaa la soo xirey Ismaaciil Maxamed Mahdi oo isna ku eedeysan dhac dadweyne,sidoo kale waxaa la soo xirey Ismaaciil Tahliil Cali oo dhac dadweyne ku eedeysan,waxaa kale oo la soo xirey C/laahi Maxamed Isaaq.
War qoraala oo ka soo baxay Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa looga digay ciidamada kala duwan ee Dowlada inay lacago baada ka qaataan shacabka iyo gadiidka dadweynaha,sidoo kale inay dhac toosa gaystaan.
Eedeysane Faysal Ibraahim Samow waxaa la helay muuqaalo muujinaya isagoo gaari shacab hor taagan kana qaadanaya lacag baad ah,sidoo kale  C/laahi Maxamed Isaaq waxaad laga helay muuqaal baraha bulshada lagu shaaciyay kaasoo muujinaya isagoo caadi shacabka u dhacaya xili uu wato hubkii Dowladu u siisay inuu shacabka ugu adeego.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 2 people and textMay be an image of 1 person and textMay be an image of 1 person and textMay be an image of 1 person, playing basketball and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here