MAHADAAY (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in qarax miino lala eegtay ciidamada Burindi ee Somalia ku jooga magaca Atmis xili ay howgalo amni ku jireen.
Qaraxa oo ciidamada dalka Burindi lagula eegtay deegaanka Buurane oo hoos taga Degmada Mahadaay ayaa sababay dhimashada 2 askari halka kuwo kalana ay dhaawacmeen.
Xaafadaha buurane ayaa la sheegay inay ciidamada Burindi ka wadeen howlgalo ay amniga ku sugayeen balse qarax miino oo loo soo aasay ayaa lagu qarxiyay ciidamada Atmis gaar ahaan kuwa Burindi.
Kooxda Alshabab ayaa durba sheegatay weerarkaani inay iyagu ka danbeeyaan qaraxa sidoo kale waxay sheegteen in qaraxa ay ku dileen qaar ka mida ciidamada halka kuwa kalana ay dhaawaceen.
Dhanka Dowlada Somalia,Burindi ama Maamulka Defmada Mahadaasy midkoodna wali kama hadlin inkastoo ay dhici karto .
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM