Konton hawlwadeenno caafimaad oo ka socday #ATMIS iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ayaa shalay Muqdisho ku dhammaystay aqoon-kororsi afar maalmood socday oo ay ku barteen awoodaha caafimaadka iyo hababka horumarinta ee lagu dhawri kari laguna ilaalin karo ciidanka ku hawlan hawlgallada nabad-taageeridda.

Intii ay socotay xafladda xiritaanka, Sareeye Gaas Peter Muteti,Ku Xigeenka Taliyaha Ciidanka #ATMIS ee qaabilsan Taageerada iyo Saadka, ayaa ku ammaanay saraakiisha caafimaadka doorarka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin gudashada waajibaadka hawlgalka, gaar ahaan la-talinta ciidanka Qaranka Soomaaliyeed iyo badbaadinta nolosha xilliyada xaaladaha dagaalka.

Shirka waxaa fududeysay Qeybta Caafimaadka ee Taliska Ciidanka ATMIS oo la kaashatay UNSOS, UK-MST iyo UNSOS, iyadoo loo maray Hay’adda Hindisaha Horumarinta (TDI) iyo bahwadaag kale.
XIGASHO WARBAAHINTA ATMIS
May be an image of 6 people and textMay be an image of 2 people and textMay be an image of 2 peopleMay be an image of 4 people and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here