Howlgal ay fuliyeen Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir oo kaashanaya Hey’adaha ammaanka Caasimadda ayaa soo xiray eedeysanayaal gaaraya 9 Askari oo ka kala tirsan Ciidamada Qalabka Sida.

Askarta lagu soo qabtay howlgalkaas ayaa lagu eedeeyey inay jebiyeen amarkii laga soo saaray inaan la ridi karin rasaas loogu dabaal-degayo Todobaadka Xorriyadda.

Advertisement

War kasoo baxay taliska qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu yiri “Waxaa socota baaris, maadaama uu jiro khasaare ka dhashay rasaastii sharci darada aheyd ee xalay la riday, sidoo kale hey’adaha ammaanka waxay baadi goob ugu jiraan tiro kale oo askar ah iyo gaadiidka xabado laga dul riday.”

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here