HomeWarkiiCiidamadii Kenya ee ka danbeysay dilka banaan-baxayaashii sanadkii hore oo hada...

Ciidamadii Kenya ee ka danbeysay dilka banaan-baxayaashii sanadkii hore oo hada la aqoonsaday

NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Dalka Kenya ayaa sheegaya in hada la aqoonsaday mid ka mida ciidamadii Dalka Kenya sanadkii hore dibad-baxayaasha ku leysay gudaha iyo nawaaxiga Xarunta Baarlamaanka Kenya ee Nairobi.

Baaritaan ay sameysay Warbaahinta BBC-da iyo falanqeyn muuqaal ay soo bandhigeen ayaa lagu aqoonsaday ciidamadii ka dambeysay dilka dadka shacabka ahaa ee sanadkii hore banaan baxyada ka dhigayay Magaalada Nairoobi.

BBC-da ayaa soo bandhigtay saraakiil ka tirsan Ciidamada Kenya oo si ku talagal ah u tooganayaa qaar ka mid ah dibadbaxaayashii gudaha u galay aqalka baarlamaanka ee dalka 25-kii bishii June ee sanadkii 2024-kii.

Dibad baxayaasha Kenyaanka ayaa sanadkii hore bartamihiisa waxay dhigeen banaanbaxyo ay kaga cabanayeen canshuurta ay dowladda kordhisay iyagoona waday dhowr bilood ilaa Dowladu ka laabatay canshuur kordhinta dhamaadkii sanadkii hore.

Cadeymaha la soo bandhigay waxay muujinayaan in dadka shacabka ee askartu laayeen aysan wadan wax hub ah xiligaasi islamarkaana aysan wax qatar ah ku ahayn amaanka ciidamada iyo xarunta baarlamaanka taasoo shacabka ka careysiisay.

Dastuurka dalka Kenya ayaa  ogol dibadbaxyo nabadeed inay shacabku dhigaan mar kasta oo ay u arkaan inay ku haboon tahay.

Si kastaba Sanadkii hore waxaa lagu dilay agagaarka aqalka Baarlamaanka Kenya ee Nairobi ilaa seddax wiil oo dhalinyarro ah kuwaasoo ka mid ahaa dibad baxayaashii ka dhiidhinayay canshuur kordhinta sanadkii hore.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -