Kadib markii maanta ay Alshabaab qabsadeen Degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeelaha dhexe ayaa waxaa mar kale soo baxeysa in ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanku inay ka soo baxeen aagaga Yasooman iyo Abooreey ee Gobolka Hiiraan.
Deegaanka Abooreey 8 maalmood ayuu dagaal ka socday iyadoo ciidamada Dowlada ay ku adkaatay inay Alshabaab ka saaraan deegaankaasi balse waxay ku guuleysteen inay go’doomiyaan, balse manta oo ahayd maalintii 9-aad ayay gabi ahaanba soo baneeyeen aagagii ay uga jireen halkaasi.
Lama yaqaan sababta keentay balse wararka ayaa intaasi ku daraya inay iskugu imaadeen deegaan aan ka fogeyn halka ay soo baneeyeen, mana cada inay abaabul dib u noqosho wadaan.
Wasaarada Gaashaandhiga war rasmi ah kama soo saarin guul darooyinka isdaba jooga ah ee maanta soo gaaray ciiidamada Dowlada iyo kuwa deegaanka ee waday howlgalada ka dhanka ah Alshabaab.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM