Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Dowlada Somalia bilowday inay daad-gureyso ciidamadii Dowlada Somalia ee dhawaan looga adkaaday dagaalkii Raaskanbooni islamarkaana iska dhiibay xuduuda Kenya.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in ciidamadaan Dowladu dib ula wareegtay inkastoo aaney jirin faahfaahino dheeraad ah oo la xiriira qaabka cidamadasi loogu celiyay Muqdisho madaama Dowladu rabin faafinta wararkaasi.
Dowlada Kenya ayaa ciidamadaasi iyo hubkoodaba waxay isugu geysay meel ku dhaw Magaalada Lamu ee gobolka xeebta lagana maamulko Kenya halkaasoo dhanka Somalia looga sii qaaday ciidamada.
Goor dhaw oo galabta ah ayaa ciidamadaani qeybahooda ugu dambeeya waxaa loo qaaday Soomaalia taasoo ka dhigan isu geyn ciidamadii Jubaland ay qabteen iyo kuwa xuduuda Kenya iska dhiibayba inay shalay iyo shalay maanta intii u dambeysay ay Muqdisho gaareen.
Ciidamadaani oo isu geyn ahaa 1438 inta laga war hayo oo 1018 ay xuduuda kenya iska dhiibeen iyo 330 oo ay qabteen Jubaland dhamaantood hada waxay ku laabteen caasimada dalka inkastoo qaar dhaawacan ay ku jiraan sidoo kalana ay jiraan wax yar oo dhimasho ah iyo kuwo nolol iyo geeri midna lagu heyn.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM