RAASKAN-BOONI (DAYNIILE.COM)-Munaasabad ka dhacday Magaalada Raaskanbooni ee Gobolka Jubada Hoose ayaa lagu soo sagootiyay ciidamada Dowlada Somalia ee dhawaan lagu qabtay dagaalkii halkaasi ka dhacay qeybtoodii ugu dambeysay.

Ciidamadaan oo tiradooda lagu sheegay 50 ayaa waxaa ka horeeyay qeyb kale oo doraad soo gaartay Magaalada Muqdisho kuwaasoo iyagana laga soo direy isla jubaland.

Advertisement

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa goor dhaw garoonka Raaskanbooni waxay ka sagootiyeen askartaasi iyadoo la arkayay ciidamada Maamulka Jubaland iyo kuwa Dowalda oo is marxabeynaya kadibna diyaarada koraya.

Ciidamada Dowlada ayaa qaarkood hadleen xili ay u muuqdeen in laga hadalsiinayay marka la eego sey u hadlayeen tusaale ahaan qaarkood ayaa madaxda Dowlada ku tilmaamayay inay ciidamada siyaasad u adeegsadeen taasoo muujineysa inaysan si xornimo leh u hadleyn.

Si kastaba sarkaal ka tirsan Maamulka Jubaland oo hadalo ka jeediyay sagootinta ciidamada intiisa badan si wanaagsan ayuu u hadlay oo soomaalinimo leh inkastoo hadaladiisu u badnaayeen kuwo diblomaasiyadeed..

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 3 peopleMay be an image of 10 peopleMay be an image of 5 peopleMay be an image of 5 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 9 people and aircraftMay be an image of 5 people and textMay be an image of 6 people and helicopter

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here