KISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dowlada Kenya ay maanta diyaarad soo saareyso ciidamo boqolaal ah oo ka tirsan Milatariga Somalia kuwaasoo doraad iska dhiibay xuduuda Kenya kadib markii looga adkaaday dagaalkii Raaskan-booni ay kula galeen ciidamada Maamulka Jubaland.
Ciidamadaan oo aan si rasmi ah tiradooda loo ogeyn ayaa la soo sheegayaa in maanta la gaynayo saldhiga manda-bay ee dalka Kenya halkaas oo Diyaarado lagaga qaadi doono si loogu soo qaado Magaalada Muqdisho.
Saraakiisha Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya wali si faahfaahsan ugama hadlin jabka ciidamadooda ka soo gaaray dagaalkii ay Raaskan-booni kula galeen ciidamada daraawiishta maamulka Jubaland.
Dhanka kale Maamulka Jubaland ayaa iyagana lagu wadaa inay diyaarad soo saaraan ciidamada Dowlada ee ay maxaabis ahaanta u qabteen doraad kuwaasoo hada lagu kala hayo raaskan-booni iyo Kismaayo.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement