Aysenur Ezgi Eygi, ayaa toogasho lagu dilay iyada oo ka mudaaharaadaysay deegaamaynta Israa’iil.
Haweeneydaan ayaa lagu aasay xaafada qoyskeeda oo ku yaal magaalada Didim ee galbeedka Turkiga.
Kumanaan kun oo qof oo baroordiiq ah oo ku nool dalka Turkiga ayaa isugu soo baxay aaska Aysenur Ezgi Eygi oo u dhaq dhaqaaqi jirtay Turkiga iyo Mareykanka, kaasi oo ay ciidamada Israel ku dileen Daanta Galbeed ee la heysto.
Dilka Eygi oo 26 jir ahaa usbuucii hore ayaa dhaliyay cambaareyn caalami ah oo ka dhan ah Israel.
Waxaa madaxa laga toogtay xilli ay ka qeyb qaadaneysay bannaanbax 6-dii Sebtembar looga soo horjeeday deegaamaynta sharci darrada ah ee Israa’iil.
Sabtidii, xubnaha qoyska, asxaabta iyo taageerayaasha ayaa isugu soo baxay magaalada Eygi ay ka soo jeedo ee Didim ee galbeedka Turkiga si ay u aasaan.
Meydka Eygi oo lagu duuduubay calanka Turkiga oo ay wateen saraakiil labisan, ayaa gaarsiiyay qabriga.
Sawirka Eygi ayaa la dhigay meel u dhow naxashka inta lagu guda jiro aaska masaajidka deegaanka.
Eygi hooyadeed Rabia Birden ayaa jimcihii ku boorisay saraakiisha Turkiga inay cadaalada raacaan.
“Waxa kaliya ee aan weydiisto Dalkayaga ayaa ah in aan caddaalad u raadiyo gabadheyda,” ayay tiri wakaaladda wararka dowladda Turkiga ee Anadolu.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM