BUULO-MAREER (DAYNIILE.COM)-Qaar ka mida Ciidanka Milatariga Somaliyeed ayaa la soo sheegayaa inay fashiliyeen miino Alshabaab ku aaseen wadada beeraha aada gudaha Magaalada Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciidankaan oo ah kuw Ururka 26-aad Guutada 6-aad Qaybta 60-aad Ciiidamada Xoogga  ayaa miinada ka soo saaray halka ay ay ku aasnayd ka hor inta aanay qarin oo aysan wax dhibaato ah geysan.
Taliyaha Ururka 26-aad Guutada 6-aad Qaybta 60-aad CXDS Dhamme Faarax Xiirsi Cabdulle ayaa u sheegay saxaafada inay ka war heleen miinada Alshabaab geliyeen wadada beeraha islamarkaana ay si nabad ah uga soo saareen ka hor inta aysan shacabka beeraleyda ku qarxin.
Maaha markii ugu horeysay oo Ciidamada Dowladu miino lagu aasay wadada ka soo saaraan ka hor inta aysan qarxin.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 3 peopleMay be an image of 4 people and textMay be an image of phone and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here