Shalay ayay ATMIS ku wareejisay saldhiga Cabdalle Biroolle ee dowlad goboleedka Jubaland ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed (SNA), taasoo ka dhigeysa xaruntii afaraad ee la wareejiyay inta uu bilawdey wajiga sedaxaad ee dhimista Ciidamada ATMIS.

Munaasabadda, ayuu ku xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika, Sivuyile Bam, hoosta ka xariiqay in ATMIS ay ka go’an tahay taageeridda Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya si loo soo celiyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Advertisement
Sargaalka Xafiiska Qorshaynta Kala-guurka ee UNSOS, Santosh Koka, ayaa sheegay in UNSOS ay sii wadi doonto bixinta taageerada saadka si loo xaqiijiyo in uu kala-guurku guuleysto.

UNSOS waxay CXDS ugu deeqdey Matoorada korontada dhaliya, biyo nadiifiyeyaal, taangiyada biyaha, ceel riig ah, iyo looxyada wax lagu xakameeyo.

Xil wareejinta ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha qeybta 2-aad ee ATMIS, Sar. Seif Saalim Rashiid, Ku Xigeenka Duqa Magaalada Cabdalle Biroolle, Axmed Cali, Taliyaha la wareegaya hogaanka Saldhiga Cabdalle Biroolle, G/sare Maxamed Xasan Gaboobe, iyo saraakiil kale oo ka tirsan ATMIS, UNSOS, iyo CXDS.
=XIGASHO TALISKA ATMIS=
May be an image of 8 people and textNo photo description available.May be an image of 5 people and textNo photo description available.No photo description available.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here