MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Iyadoo dhawaan ciidamo ka socda Milateriga Turkey oo la keenay Muqdisho warbaahintu shaacisay inay alshabaab la geli doonaan dagaal toos ah ayaa waxaa soo baxaya warar beeniyaya arintaasi.
Guud ahaan ciidamada Turkida ayaa la sheegayaa inay Somalia u yimaadeen kaliya inay difaacaan oo ilaaliyaan shaqaalahooda Turkida ah ee ku howlan baarista shidaalka Somalia.
Warkaan ayaa gabi ahaanba meesha ka saaraya hadal heyntii ahayd inay si gaar ah uga howgeli doonaan Gobolka Shabeelaha hoose si ay alshabaab uga saaraan islamarkaana Dowlada ugu garab siiyaan amniga guud ahan dalka.
Wararku intaasi ku darayaan imaanshaha ciidamadaani Turkida oo tiradooda lagu sheegay 500 askari inay tahay fulinta heshiis hore wasaarada gaashaandhiga Somalia ula gashay dhigeeda Turkiga kaasoo dhigayay in cidamo Turki ah Somalia loo geeyo si ay u ilaaliyaan xeebaha Somalia gaar ahaana shaqaalaha baaraya shidaalka.
Sidoo kale heshiiskaasi oo turkigu fuliyay waxaa ka mid ahaa maraakiib dagaal inay usoo diraan Somalia waana tii bilo ka hor soo gaaray dekada Muqdisho halkaasoo madaxda Dowlada Somalia ay munaasabada ugu qabteen.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM