MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ciidamo k tirsan kuwa taraafikada ayaa la sheegay inay maanta dad shacaba ku dileen gudaha Degmada Xamar-weyne ee Magaalada Muqdisho.
Labada ruux ee shacabka ah ayaa la sheegay inay kala ahaayeen darawal mooto bajaaj iyo iyo qof uu waday oo loo maleynayo inuu soo kireystay moota bajaajta.
Ciidamada Taraafikada oo la sheegay inay laba ahaayeen ayaa hubeysnaa waxayna rasaas ku fureen moota bajaajta xili waliba la sheegay in sharcigooda u dhameystirnaa lamana oga sababta ay rasaaasta ugu fureen.
Darawalka moota bajaajta waxaa la sheegay in dhaawac ahaan loo qaaday balse ninkii rakaabka ahaa uu ku dhex dhintay mootada markii ay haleeshay rasaasta ay fureen ciidamada Dowlada ee taraaikada ah.
Labada gacan ku dhiigle waxaa la soo sheegayaa inay goobta isaga baxsadeen walina aanay ciidamada Dowladu gacanta ku soo dhigin,walow ciidamada Dowlada ay dilka ka dib goobta soo gaareen islamarkaana ay howlgalo baaritaan bilaabeen.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM