HomeWarkiiCiidamada Sudan oo dib ula wareegay garoonka diyaaradaha  Khartuum

Ciidamada Sudan oo dib ula wareegay garoonka diyaaradaha  Khartuum

KHARTOUM (DAYNIILE.COM)- Ciidamada Sudan ayaa sheegay in ay dib u qabsadeen garoonka diyaaradaha ee Khartoum kadib dagaal ay la galeen kooxda falaagada ee RSF.

Talaabada maantaay ciidamada Sudan ku qabsadeen Garoonka diyaaradaha ayaa muujinaysa guulihii ugu dambeeyay ee agaga  dagaalka,waxayna u muuqataa inay dhawaan soo afjari doonaan kooxda RSF .

La wareegitaanka ciidamadan ayaa ku soo beegmaya maalin kadib markii lagu eedeyay mid ka mid ah duqeymihii ugu khasaaraha badnaa ee dhanka cirka ah ee ka dhaca dagaalka, kaasoo lagu dilay ugu yaraan 270 qof suuq ku yaala galbeedka gobolka Darfur, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Ka dib markii ay dib ula wareegeen madaxtooyada  Jimcihii iyo garoonka oo maanta la qabtay waxay guul weyn u tahay rajada shacabkla reer Sudan oo dowladnimadoodii usoo laabaneyso.

“Koonfurta caasimadda, ciidamadeenu waxay ku hareereeyeen deegaanka istiraatiijiga ah ee Jebel Awliya saddex jiho oo kala ah waqooyi, koonfurta iyo bari,” ilo ka tirsan militariga ayaa u sheegay AFP.

“Haraadigii Maleeshiyada RSF-ta ayaa ka cararaya Wabiga Niilka  ee buundada Jebel Awliya”  ayuu yiri,sarkaalkaasi oo milateriga u hadlay isaga oo codsaday in aan magaciisa la shaacin, sababtoo ah looma ogola in uu Warbaahinta la hadlaan

Guud ahaan Khartoum, goob-joogayaal iyo hawl-wadeenno ayaa soo sheegay toddobaadkan in dagaalyahannada RSF ay u ruqaansadeen dhinaca koonfureed, oo ay u muuqdaan inay ku wajahan yihiin Jebel Awliya.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMA fighter loyal to the army patrols a market area in Khartoum on March 24, 2025.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -