NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Ciidamo ka tirsan Sirdoonka Kenya ayaa Caawa waqti kooban xoriyada ka qaaday Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kuwaasoo ku sugnaa gudaha Magaalafa Nairoobi.

Labada Xildhiban ee u gacan galay sirdoonka Kenya ayaa kala ah Xildhibaan Xasan Cabdi-Nuur iyo Xildhibaan Kooshin oo maalmahaan ku sugnaa Nairoobi..

Advertisement

Xildhibaan Xasan Cabdi-Nuur oo u waranayay SMS TV ayaa kadib markii la sii daayaywuxuu sheegay in la qabtay mar  guri ka soo baxeen islamarkaana ay u socdeen guri kale.

Xildhibaanka wuxuu intaasi ku daray in ciidamadu markii ay qabteen la saaray gaari kadibna su’aalo dhowr ah la weydiiyay.

“Koleey way na sii daayeen kadib markii ay na weydiiyeen su’aalo aan nagu habooneyn”ayuu yiri Xildhibaan Xasan Cabdi-Nuur.

Dhanka kale wuxuu xusay ineysan jirin wax jir dil ah oo loo geystay intii ay ku jireen gacanta Ciidamada Kenya.

XAFIISKA WARARKA 

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here