Madaxa Injineeriyada Qaybta Militariga ATMIS, Gaashaanle Sare Suleymaan Ibraahim ayaa u xaqiijiyey dadka Soomaaliyeed in aysan jiri doonin wax faaruq ah oo amni inta ay socoto dhimista ciidamada. Wuxuu ammaanay hawlkarnimada iyo nafhurnimada ay Ciidamada Amaanka Soomaaliya iyo ciidamada Burundi ee ATMIS ee sii baxaaya ay ku bixiyeen xasilinta gobolka.
Madaxa Unugga Qorshaynta Kala-guurka ee UNSOS, Patrick Duah, ayaa iftiimiyay doorka muhiimka ah ee saadka iyo awood-dhisidda ee UNSOS ee taageeridda Ciidammada Amaanka Soomaaliya & dhigooda ATMIS inta lagu jiro hannaanka kala-guurka ee amniga. Wuxuu ku dhawaaqay in UNSOS ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed siisay qalab muhiim ah, oo ay ku jiraan koronto-dhaliyeyaasha, qalabka sifeynta biyaha, iyo baalalka cadceedda, si sare loogu qaado xaaladda noolosha ee xerada.