Wararka ka imaanaya Puntland ayaa sheegaya in Ciidamada Puntland, hawlgal ay maanta ka sameeyeen aagga Buqo-Caleed ay soo bandhigeen  guryo shub ah, xafiisyo iyo dhismayaal shirarka loogu talagalay, kuwaas oo kooxda Daacish ka dhex dhisatay Buuraha.

Buqa-caleed, Ciidanku waxay maanta heleen Guryo Buur ka dhex dhisan, oo shub lagu dhisay , leh xafiisyo maamul iyo kuwo Shirar, waxaa yaalla labo Gaari midweyn iyo midyar oo ay sii gubeen iyo Agabkale”.ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Hawlgalka C. A. Puntland.

Advertisement

Sidoo kale, goobtan ayaa ciidamada Difaaca Puntland ugu tageen labo gaari oo argagixisada firxadka ah gubeen, kaddib markii ay xaqiiqsadeen in aysan meelna ku baxsaneyn, sida uu xaqiijiyay Taliska Howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland.

No photo description available.

Hawlgalkaan ay maanta Ciidamada Puntland ka sameeyeen aagga Buqo-Caleed ee Buuraha Calmiskaad, ayaa imaanaya xilli uu madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni uu ku dhawaaqay wejiga 3-aad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee Buuraha Calmiskaad.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here