KASHMIR (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Hindiya iyo Pakistan ayaa rasaas isweydaarsaday maalintii labaad oo toos ah ka dib markii rag hubaysan ay 26 qof ku dileen gobolka Kashmiir ee ay Hindiya maamusho ee Pahalgam horaantii todobaadkan, iyadoo India ay ku eedaysay Pakistan weerarka.
Ra’iisul wasaaraha Pakistan Sharif ayaa sheegay in waddanku uu diyaar u yahay inuu difaaco madax-bannaanidiisa balse uu u furan yahay dhexdhexaad baaritaan caalami ah oo lagu sameeyo weerarka.
Booliska iyo askarta hubeysan ayaa guryaha iyo keymaha ka baaraya dagaalyahanada Kashmir, waxaana taliyaha ciidamada India uu dib u eegis ku sameeyay ammaanka gobolka.
Saraakiisha Hindiya ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii loo hubin lahaa in dhibic biya ah uusan aadin Pakistan, ka dib markii ay joojisay ka qaybgalka heshiiska biyaha ee Indus ee muhiimka ah weerarka ka dib.
Labada dal ayaa qaaday tallaabooyin diblomaasiyadeed oo adag, oo ay ka mid yihiin xidhitaanka xuduudaha dhulka, jarista ganacsiga iyo cayrinta shaqaalaha amniga.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM