QAHIRA (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Dalka Masar Abdel Fattah El-Sisi ayaa ka hadlay sida ay ciidamada dalkiisa ee iman doona Muqdisho ay uga qeybqaadan doonaan howlgalka cusub ee sanadka 2025-ka kaasoo badeli doona how;galkii ATMIS.
Madaxweynaha Masar wuxuu saxaafada u xaqiijiyay inay si firfircoon uga qayb galayaan ciidamadooda hawlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Sidoo kale Masar iyo Somalia heshiiskii ay kala saxiixdeen labada dalka waxaa ku jirtay in saldhig weyn ay Masar samaysaneyso Soomaalida sida kan Turkey oo kale.
Al-sisi ayaa sidoo kale sheegay si loo xalliyo caqabadaha amniga ee Soomaaliya inay dhankooda diyaar ula yihiin sidii ay Somalia uga saacidi lahaayeen dhisidda awoodaha iyo qibrad farsamo.
Guud ahaan balan qaadyadaan wuxuu Madaxweynaha Masar ka sheegay kulankii uu la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Dr.Xasam Sheekh Maxamuud.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM