Sida aan wararka ku heleyno, Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegtay in Mareykanka uu duqeymo ka geystay dhowr goobood oo ku yaalla dalkaas, iyadoo aan la sheegin wax faahfaahin ah.
Hadda, X, Taliska Dhexe ee Ciidanka Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarradaas, iyagoo sheegay in ay la beegsadeen “goobaha Sanca iyo xeebaha” labadaba shalay iyo maanta.
“Diisambar 30-keedii iyo 31-dii, maraakiibta ciidamada badda iyo diyaaradaha Mareykanka waxay beegsadeen taliska Xuutiyiinta iyo tas-hiilaadka wax-soo-saarka hubka caadiga ah (ACW) iyo tas-hiilaadka kaydinta hubka oo ay ku jiraan gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (UAV)”, CENTCOM ayaa ku tiri hadalkeeda.
Warbaahinta taageerta Xuuthiyiinta ayaa sidoo kale sheegtay in duqeymahaasi oo ay sheegeen in ugu yaraan 12 ka mid ah ay ahaayeen kuwa lala beegsaday xarumo ay leeyihiin ciidamada kooxda oo ku sugan Sanca iyo meelo kale.
Xalay fiidkii ayay Xuutiyiintu weerar ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion ee magaalada Tel Aviv, kaasoo ciidamada Israa’iil ay sheegeen inay hawada ku qabteen