BUULO-XAAJI (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo deegaanada Maamul Goboleedka Jubland ayaa dheegaya in Saaka Alshabaab laga dilay tira ka mida dagaal yahanadooda kadib howlgal iyaga ka dhan ahaa.
Howl-galkaan oo ay fuliyeen ciidamada daraawiishta Jubbaland gaar ahaan guutada Birjeex ayay ku dileen sida ay sheegeen 6 ka mida dagaal-yahanada Alshabaab sidoo kale waxay gacanta ku dhigeen dhamaan lixdii qorey ay wateen oo ahaa nuuca AK47.
Sidoo kale Al-shabaab waxaa laga furtay laba qorey oo ah nuuca RPG iyo rasaas tiradooda aysan sii faahfaahin.
Sida warbaahinada Maamulka Jubaland taageera lagu shaaciyay wuxuu howlgalkaan ka dhacay agagaarka lagta Caanoole oo dhanka koonfureed ka xigta deegaanka Buulo-xaaji oo bilo ka hor laga eryay Alshabaab.
Ma jirto warar madax banaan oo xaqiijinaya warkaani sidoo kale ma jirto war ka soo baxay dhanka kooxda Alshabaab intaan ka war heyno kaasoo ay kaga hadlayaan howlgalkaan la sheegay in ciidamada looga laayay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here