Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Maamulka Jubaland gaar ahaan Guutada Gurmad Qaran ayaa fashiliyay saacadihii ugu dambeeyay Miino ay Alshabaab ku aaseen deegaan dhaca waqooyiga gobolka Jubada hoose.
Miinadaan oo ah mid weyn sida sawirada aad ka arki kartaan waxaa lala rabay in lagu beegsado ciidamada maamulka Jubaland iyo kuwa Xooga Dalka ee dagaalka kula jira kooxda Alshabaab.
Saraakiisha Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Maamulka Jubaland ayaa saxaafada u soo bandhigay miinadaasi markii ay dhulka ka soo saareen.
Howlgalkaan fashilinta miinada Alshabaab aaseen ayaa ku soo aadeysa xili dagaalo ka dhan ah alshabaab ay deegaanada jubaland ka wadaan ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa Maamulka Jubaland.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM