Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ka shaqeeyay qorshe ciidamada Itoobiya uga baxayaan gabi ahaanba Gobolka Bay sida Xarunta Maamulka Koofur-Galbeed ee Baydhaba.
Ciidamada Itoobiya oo hada suga amniga guud ahaan goobaha muhiimka ah sida Madaxtooyada iyo Garoonka diyaaradaha intaba,waxaana lagu badeli doonaa ciidamo ka socda Dalka Uganda oo qeyb ka ah howlgalka cusub.
Dowlada Itoobiya ayaa aqbashay dalabka Madaxweyne Xassan ee ah inay baneeyaan Gobolada Bay iyo Geddo islamarkaana loo wareejin doono Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.
Qorshahaan oo Xasan iyo Abiye isla fahmeen ayaa waxaa wali raali a ahayn Madaxweynaha maamulka Koofur-Galbeed C/casis laftagareen oo Dowlada ka codsaday in Itoobiyaanka loo dhaafo inay sii sugaan amaanka Gobolka Bay balse Madaxweyne Xasan ayaa diidan taasi.
Hadii ciidamada Uganda gaaraan Gobolka Bay islamarkaana ay ka baxaan Ciidamada Itoobiyaanka ah ayaa waxaa la sheegayaa in taasi ay qasbi doonto inuu wanaagsanaado xiriirka Dowlada iyo Koofur-Gabeed islamarkaana danaha Dowlada uu si rasmi ah uga dhaqan gelo doono Baydhaba.
Sidoo kale Axmed Madoobe jiritaankiisa ayaa Gobolka Geddo ayaa iyadana meesha ka bixi doonta hadii Itoobiyaanku ka baxo Gobolka Gedo.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM