Ciidamada Israa’iil ayaa laba Falastiiniyiin ah ku dilay Daanta Galbeed ee la haysto, iyadoo qorshuhu yahay in la ballaariyo weerarrada milateri ee ay ku hayaan xerada qaxootiga Jenin oo ay hore ugu dileen ugu yaraan 12 qof ayna ku dhaawacmeen tobanaan kale tan iyo Talaadadii guud ahaan gobolka Jenin.
Milatariga iyo sirdoonka Israa’iil ayaa sheegay in howlgal xiriir ah laga fulin doono Jenin iyadoo Israa’iil ay la dagaallameyso dagaal fool-ka-fool ah oo hadda u wareegay Daanta Galbeed ee la haysto.
Iyada oo baabuurta xamuulka ah ee gargaarka bini’aadantinimo ay ku sii qulqulayaan Gaza, hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa ka digaysa in Falastiiniyiinta ku soo laabanaya guryahoodii ee ku yaalla deegaanka dagaalladu aafeeyeen ay u arki doonaan in intooda badan la burburiyay ama aan la degi karin.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa lagu dilay ugu yaraan 47,283 falastiiniyiin ah, waxaana ku dhaawacmay 111,472 tan iyo Oktoobar 7, 2023.
Ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay maalintaas in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.
SOURCE ALJAZEERA
XAIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM