Dowlada Filibiin ayaa ku eedeysay Ilaalada Xeebaha Dalka  Shiinaha inay u dhaqmaan sida burcad-badeeda oo kale.

Sarkaal u hadlay Dalka Filibniin ayaa xusay in shaqaale ku hubeysan mindiyo iyo warmo oo ka mida ilaalada xeebaha Shiinaha ay iska hor imaad la galeen markab ay saarnaayeen ciidamo shaqaale u dhashay dalkiisa.

Advertisement

Labada Dowladood Shiinaha iyo Filibiin ayaa ku murunsan badda Koonfurta Shiinaha.

Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Dalka Filibiin General Romeo Brawner ayaa sheegay in shilkan uu dhacay 17-kii Juunyo iyadoo askarta Filibiin ay isku dayeen in ay dib u soo celiyaan badmaaxiinta ku sugan badda Sierra Madre.

“Ciidanka Ilaalada Xeebaha Shiinaha waxay u adeegsadeen hub, shaqaalaheenna, waxay ku dagaalameen hub la’aan,shaqaalaheennu waxay ku dagaalameen wax kasta oo ay haysteen.”” ayuu Taliyuhu  ku soo qoray bayaan uu soo dhigay Facebook Arbacadii shalay.

 

Filibiin ayaa sheegay in mid ka mid ah badmaaxayaashooda uu si xun u dhaawacmay, doomahana ay waxyeelo soo gaartay, Brawner ayaa sheegay in ilaalada xeebaha ay u dhaqmeen sidii burcad badeed.

“Burcadbadeed kaliya ayaa tan sameeya,” ayuu mar kale yiri.

Xaaladda Thomas Shoal, oo ku taal aagga dhaqaalaha gaarka ah ee Filibiin (EEZ) oo qiyaastii 195km (121 mayl) u jirta jasiiradda Palawan ee galbeedka Filibiin, ayaa noqotay mid aad u kacsan bilihii la soo dhaafay iyada oo Shiinuhu uu isku dayayo inuu carqaladeeyo hawlgallada joogtada ah ee Filibiin.

Dhanka kale Dowlada Shiinaha  waxay beenisay in shaqaalaheeda ay u dhaqmeen si aan habboonayn.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Chinese vessels surrounding a Philippines resupply mission in the South China Sea. There are mutiple Coast Guard personnel. One appears to have an axe.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here