HomeWarkiiCiidamada Dowlada Sudan oo dib ula wareegay Xarunta madaxtooyada

Ciidamada Dowlada Sudan oo dib ula wareegay Xarunta madaxtooyada

Sudan QARTUM (DAYNIILE.COM)-Wararka ugu dambeeya ee laga helaayo dagaalada ka socda Dalka Sudan iyo guulaha isdaba jooga ah ee Dowalda Sugan gaaryso ayaa sheegayo in ciidamada qaranka Sudan inay gacana ku dhigeen xarunta madaxtooyada ee dalkaasi looga taliyo.

Af-hayeenka ciidanka Dowlada Sudan, Nabil Cabdallah ayaa TV-ga dowladda ka sheegay inay dib ula wareegeen xarunta Madaxtooyada iyo waliba iyo dhismayaasha wasaaradaha.

Ciidamada RSF ee Dowlada Sudan ka soo horjeeda ayaa in mudo ahba maamuleysay Madaxtooyada Sudan tan iyo markii ay bilowdeen dagaalada dalkaasi balse ugu dambeyn gacantooda waa laga fara-maroojiyay waxaana muuqata in Dowlada Sudan ay mar dhaw dalka oo dhan ka saareyo kooxda RSF.

Xarunta madaxtooyada ayaa ku taal bartamaha caasimada Sudan ee Khartoum halkaasoo goob dagaal iska noqotay tan markii dagaalada dalkaasi bilowdeen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments