DOOLOOW (DAYNIILE.COM)-Warar dheeraad ah ayaan ka heleynaa Magaalada Dooloow oo maanta ay ku dagaalameen ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Jubaland oo iskaashanaya iyo ciidamada Dowlada faderaalka Somalia.

Wararkii ugu dambeeyay ee halkaasi laga helayo ayaa sheegaya in Ciidamadii Dowlada gabi ahaanba laga saaray Magaalada Dooloow oo ayna xeelad dagaal ahaan uga baxeen madaama looga adkaaday.

Advertisement

Duleedka Magaalada Dooloow ayay ciidamada Dowalada ku sugan yihiin waxaana gabi ahaanba magaalada qabsaday ciidamo Itoobiyaan ah oo maanta cadeystay qorshahooda iyo taageerada ay u hayaan Maamulka Jubaland.

Dowlada Itoobiya waxay sidoo kale maanta jabisay heshiiskii Ankara ay Dowlada Somalia kula gashay kaasoo dhigayay in labada Dowladood ilaaliyaan madax banaanida iyo qaranimada dal kasta iyo xuduudihiisa, ciidamada Itoobiya waxay si toos ah ugu talaabsadeen qodobkaasi markii ay ciidamada Dowlada xabad gudaha Somalia kula dagaalameen ciidamada qaranka .

Warar kale oo aan ka helany sababta dagaalka maanta keentay ayaa sheegaysa in ciidamada Qaranka isku dayeen inay magaalada ka celiyaan wadi ka socday Maamulka Jubaland oo ka soo degay garoonka diyaaradaha Doolow kuwaasoo doonayay inay gudaha u galaan Magaalada Dooloow.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here