RUUNIRGOOD (DAYNIILE.COM)-Ciidamo dhawaan ka baxay Magaalada Muqdisho oo xoojiyay kuwo hore u soo joogay gobolka Sh.dhexe ayaa la soo sheegayaa inay kaabiga ku hayaan deegaanka Ruunirgood halkaasoo ay dhawaan qabsadeen alshabaab.

Ciidamada Dowalda iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya ayaa la sheegayaa inay ku hareereysan yihiin deegaanka Ruunirgood waxaana ay qarka u saaran yihiin inay alshabaab kala wareegaan deegaankaasi.

Advertisement

Mid ka mida saraakiisha horkaceya Ciidamadaan ayaa sheegay inay madaxda amar ka sugayaan si ay u galaan gudaha deegaanka Ruunirgood oo ay dhinac kasta ka fashiyaan.

Deegaanka Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha dhexe waxaa la soo sheegayaa inay fariisin weyn ku yeesheen alshabaab balse saacadihii ugu danbeeyay ayay intooda badan ka baxeen markey ogaadeen in cudud ka xoog badan soo dul dageen.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here