Sida kagu shaaciyay warbaahinta Qaranka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaar ahaan Ururka 64’aad Guutada 7aad Qaybta 12 April & Ciidanka Boliiska ee Degmada Walawayn ayaa si wadajir ah uga fuliyay howlgal lagu baacsanayey khawaarijta luguna xaqiijinayey Amaanka Deegano iyo tuulooyin hoostaga Gobolka Shabeelaha Hoose.

Deegaanada Howlgalka laga Sameeyey ayaa kala ah Aybuuley,isgaad,hoo hook, fulaaley,garfaale, Dibati,qabiibiyow,tuhur qaboobey,waraxley,cali boonad,lugud jiliwayne, baladul amiin oo dhamaan ka wada tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Taliyaha Ururka 64 aad ee Guutada 7 aad Dhamme Cali Cabdullahi Halac & Taliyaha Saldhiga Boliiska Degmada Walawayn Dhamme Cabdulle isaaq ayaa si wada jira shacabka ku dhaqan deegaanadaas Faray in ay la shaqeeyaan Ciidamada si loo helo nabad waarta.May be an image of 2 people, car, jeep, road and textMay be an image of 2 people and textMay be an image of 9 peopleMay be an image of 5 people and textMay be an image of 6 peopleMay be an image of 5 peopleMay be an image of 12 peopleMay be an image of 9 peopleMay be an image of 10 peopleMay be an image of 6 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here