WARGAADHI (DAYNIILE.COM)-Sida ay cadeeyeen saraakiisha hogaamineysa ciidamada Xooga dalka ee ku sugan Deegaanka Wargaadhi waxaa fashilmay weerarkii saaka Alshabaab ku doonayeen inay ku qabsadaan deegaanka Wargaadhi ee Gobolka Shabeelaha dhexe halkaasoo ah taliska ciidamada Dowlada ee laga hago guud ahaan dagaalada Gobolkaasi.
Saraakiil u hadashay Ciidamada Xooga ee saaka ka dagaalamay Deegaanka Wargaadhi ayaa saxaafada u xaqiijiyay inay fashiliyeen weerarkii saaka Alshabaab soo qaadeen islamarkaana ay si buuxda iyagu wali gacanta ugu hayaan deegaanka Wargaadhi.
Saraakiishaan oo warbaahinta kula hadashay aargada deegaanka Wargaadhi ayaa qirey inuu jirey weerarka alshabaab sheegteen inay ku qaadeen Wargaadhi aroornimadii hore ee saaka balse ay iska difaaceen islamarkaana cashir u dhigeen.
Meydad kooxda alshabaab ka tirsan ayaa deegaanka yaala sida saraakiisha iyo masuuliyiinta Dowladu sheegayaan.
Dagaalka Saaka ayaa ahaa mid dhagta loo wada taagayay madaama maalmihii ugu dambeeyay la sii ogaa qorshaha alshabaab ay ku rabeen inay ku qabsadaan madaama uu deegaankaani oo xeebta dhaca muhiim u yahay labada dhinac marka la eego isku socodka ciidamada ee dhanka istaraatiijiyada.
Wargaadhi hadii Alshabaab qabsado waxay quburada dagaalka sheegayaan inay ka dhigan tahay in deegaano badana go’doomi doonaan islamarkaana guu dhaan jiritaanka Dowlada ee xarunta Hirshaballe isna uu qilqiil geli doono.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM